Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la leh Madaxda Qatar

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in kulamo la yeesho madaxda ugu sareysa Dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Doha kadib markii lagu casuumay in uu qeyb gallo daawashada Ciyaaraha Koobka Aduunka oo Xalay lagu soo gebo-gebeeyay Dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa maanta in uu kulamo kala duwan la yeesho Sheikh Tamim bin Hamad Al-Than oo ah amiirka dalka Qatar.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dhinac iyo sidii Dowladda Qatar ay qeyb uga noqon la heyn gurmadka loo sameynayo dadka ay saameynta ku yeesheen abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Dowlada Qatar ayaa door muuqda ka ciyaartay horumarka dalka, iyadoo malaayiin doolar ku bixisay dib u dhiska waddada dheer ee xiriirisa Afgooye iyo Muqdisho iyo sidoo kale waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here