Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay sida qaraxyada lagu soo galiyo Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayey sanad guurada 79-aad ee aas aaska ciidanka Booliska ayaa ka hadlay amniga Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyada Muqdisho ka dhaca laga soo geliyo baraha koontarool ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.

“Baabuur kasto oo qarax ah oo magaalada Muqdisho ka dhacay iyo waxa wax lagu qarxiyaahi chukpoint ayuu soo maray, gaar ahaan  meel askari taagan yahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Ogow askariga Croption-ka ku soo daaynayo baabuurka qaraxa dadka adaa dilowsid ee ogow,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii la soo dhaafay ay kordheen weerarada qaraxyada ah ee ka dhaca gudaha Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay weerarkii tooska ahaa ee maalmo ka hor lagu qaaday hoteel Villa Rays oo u dhow xarunta Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here