Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoominayo kulanka Golaha Wasiirada

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu galabta shir guddoomiyo kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda, kaas oo todobaadkiiba mar lagu qabto xarunta Villa Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka , gaar ahaan amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa shirkan aan caadiga lagu wargeliya , si ay usoo xaadiraan, maadaama uu guddoomin doono Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale xubnaha Golaha Wasiirada ayaa warbixino ugu gudbin doono Madaxweynaha oo todobaadkan kala qay-galaya shirkooda khamiislaha ah.

Dhankiisa Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha u jeedin doono siin doono warbixin ku aadan arrimaha soo kordhay, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab, arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Si kastaba, shirkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dalka uu jiro dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka socdo inta badan gobollada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here