Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab

0

WASHINGTON (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab, kadib khudbad uu ka jeediyay Madasha Nabadda, Amniga iyo Dowladnimada ee Shir-madaxeedka Mareykanka iyo Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka shaaciyay in Al-Shabaab kaliya looga adkaan Karin qaab milatari, isla-markaana ay dowladdu la timid qorshayaal lagu wajahayo Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in dowladda ay go’aansatay in Al-Shabaab lagala diriro dhanka fikirka iyo dhaqaalaha, isaga oo carabka ku dhuftay in ay bartilmaameedsan doonaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in haatan dalka uu ka socdo olole ballaaran oo shacabka lagu baraarujinayo, waxaana uu shaaca ka qaaday in taasi keentay in guullo waa weyn la gaaro shanti billood ee la soo dhaafay.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka deegaanka, waxaana laga saaray inta badan deegaanada dowlad goboleedka HirShabelle, sida Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here