MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markale ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday Maamulka Somaliland in ay joojiyaan adeegsiga rasaaasta, si buu yiri loo qaboojiyo xiisada ka taagan Magaalada Laascaanood.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka ee SSC in iyaguna ay nabad iyo wada-hadal ku raadiyaan wax weliba oo ay doonayaan.
Todobaadkii la soo dhaafay Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowaladiisa ay wado dedaallo lagu joojinayo dagaalka iyo duqeymaha ka socda Magaalada Laascaanood.
Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha wuxuu sheegay in ay wadeen dedaallo lagu joojinayo dagaalka si buu yiri kadib loo bilaabo wada-hadal nabadeed oo u dhaxeeya dhinacyada isku haya Magaalada Laascaaanood.
Dagaalka Laascaanood ayaa qarxay bishii la soo dhaafay kadib markii hogaanka dhaqanka Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ay ku dhawaaqeen ay wax la qeybsanayaan Soomaalida inteeda kale, taasi oo macnaheedu tahay in aysan dooneyn ku hoos-noolaanshaha Maamulka Somaliland.
Go’aanka hoggaanka dhaqan kadib waxaa xigay dagaal iyo duqeymo loo joogteeyay magaalada Laascaanood, waxaana goobaha la duqeeyay ka mid ahaa guryo iyo xarumo caafimaad.
Dhaqaatiirta ka howlgasha Magaalada ayaa soo warriyay in 200 oo qof lagu dilay dagaalka iyo duqeymaha xarunta Gobolka Sool.
Dhaawaca ayay sidoo kale ku sheegen in uu kor u dhaafayo 1,000 qof, kuwaasi oo qaarkood la geeyay isbitaallo ku yaalla Magaalada Garoowe, halka kuwa kalena loo soo daabulay Magaalada Muqdisho, si loola tacaallo xaaladooda caafimaad.
Si-kastaba, Magaalada Laascaanood waxaa ka barakacay 200,000, kuwaasi oo 100 kun ka mid ah ka tallaabay xadka dalka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Hay’adda UNHCR oo arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.