MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta taliye cusub u magacaabay gobolka Gedo.
Qoraal uu soo saaray Mahad Maxamed Salaad ayaa waxaa taliyaha NISA ee gobolkaasi loogu magacaabay, Genaral Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya.
General Jamaal Xasan ayaa beddalaya taliyihii hore ee u qaabilsanaa NISA gobolka Gedo Bakaal Kooke, kaas oo jimcihii la soo dhaafay lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee isla gobolkaasi.
Halkan hoose ka aqriso:-