Mahdi Guuleed oo raalli-gelin buuxda siiyey Ra’iisul wasaare Rooble

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga fal-celiyey hadallo kul-kulul oo kasoo yeeray xubno ka mid ah siyaasiyiinta gobollada waqooyi, gaar ahaan guddoomiye Cabdi Xaashi, Senator Cabdi Ismaaciil Samatar, Boqor Cusmaan Buurmadow iyo Xildhibaan Maareeye oo eedeyn culus u jeediyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Mahdi Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dhacay guriga Cabdi Xaashi aysan aheyn dhaqan Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in si gaar ah loogu gefay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, isla-markaana uu ka siinayo raall-gelin buuxda.

“Wixii maanta ka dhacay guriga Cabdi Xaashi dhaqan Soomaaliyeed ma aheyn Ra’iisul Wasaare Rooble iyo beeshiisa Habargidir waxaan ka raali gelinayaa gefkaas, waxaan leeyahay xaal qaata, Ra’iisul wasaarow raali ahaaw, beesha Habargidir-na hanaga raali noqoto,” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Arrintan ayaa sare usii qaadeysay khilaafaadka markale ka dhex-qarxay siyaasiyiinta gobollada waqooyi oo haatan ku howlan doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here