Mahdi Guuleed oo shaaca ka qaaday in lala tartami doono Cabdi Xaashi

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka mudane Mahdi M. Gulaid ayaa ku dhawaaqay In kursiga Koowaad ee aqalka sare ee Somaliland lagula Tartami doono Cabdi Xaashi Cabdilaahi, kadib markii liiskii dhawaan soobaxay uu kaligiis utaagnaa tartanka kursigaas mudane Gudoomiye Cabdi Xaashi.

“Markaan samaynay latashi badan dhegeysanay odayaasha dhaqanka waxaan go’aamsannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen. Ayuu yirri Ra’iisul wasaare kuxigeenka  Dalku mudane Mahdi M. Gulaid

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay maanta bilaabaneyso hadal jeedinta xubnaha musharixiinta ee u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here