Maleeshiyaad careysan oo la wareegay garoonka diyaaradaha Caabudwaaq

0

CAABUDWAAQ (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad beeleed careysan ay la wareegeen garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq ee gobolkaasi, halkaas oo laga dareemayo xiisad xoogan.

Maleeshiyaadka ayaa ka gadooday habka loo maray dhismaha golaha deegaanka degmadaas, iyaga oo shaaciyey in aan lasiin saamigii ay beel ahaan u lahaayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in arrintaan ay sameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa garoonka, waxaana hakad-galay duulimaadyada tega degmad Caabudwaaq.

Afhayeen u hadlay maleeshiyaadka qabsaday garoonka oo lagu magacaabo Cawil Cabdisalaan ayaa sheegay in aysan furi doonin garoonka Caabudwaaq illaa inta laga xalinayo cabashadooda oo la xiriirta habka loo qeybiyay xubnaha golaha deegaanka.

Xaaladda ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo madaxda sare ee Galmudug oo ku aadan xiisaddaas.

Maamlmihii u dambeeyey ayaa waxaa degmada Cabudwaaq ka taagneyd cabasho la xiriirta dhismaha golaha deegaanka, taas oo timid markii lakala diray maamulkii degmadaas, kadib amar culus oo ka soo baxay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here