Maleeshiyaad hubeysan oo dil ka geystay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay xalay maleeshiyaad hubeysan ka geysteen gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ka dhacay deegaan hoostaga degmada Caabudwaaq oo dhacda waqooyiga gobolkaasi, iyada oo ay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ruuxa dilka loo geystay uu ka mid ah xoola dhaqatada deegaanka, waxaana dilkiisa uu salka ku hayaa arrimo la xiriira aano Qabiil.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay deegaanka uu dilku ka dhacay, waxaana haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Galgaduud ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo iyo dilal salka ku haya aano Qabiil oo weli ka taagan qeybo ka mid ah gobolkaasi oo hoostaga Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here