Maleeshiyaad hubeysan oo dil wadareed ka geystay duleedka Warsheekh

0

WARSHEEKH (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil wadareed ay xalay maleeshiyaad beeleed ka geysteen deegaanka Xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maleeshiyaadka ayaa lagu soo warramayaa inay rasaas ku fureen dad isku qoys ahaa oo ku sugnaa halkaas, kuwaas oo ku dhintay weerarkaasi.

Dadka la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in arrintan ay salka ku heyso dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda dil wadareedkan fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan degmada oo ku aadan falkaasi argagaxa leh,

Dhowaan ayey aheyd markii degmada Cadale lagu saxiixay heshiis laga gaaray colaad beeleed soo noqo noqotay oo muddo ka taagneyd gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here