Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay hoolka doorashada ee degmada EYL

0

GAROWOE (SMN) – Maleeshiyaad hubeysan oo la wareegay hoolka doorashada ee degmada Eyl.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa weerar ku qaaday hoolka doorashada degmada Eyl, halkaas oo la filayey in maanta lagu qabto doorashada guddoonka golaha deegaanka.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa la sheegay in iska horimaad kooban oo ay la galeen ciidanka booliska ka dib ay la wareegeen hoolka doorashada.

Wararka qaar ayaa sheegayA inuu jira dad ay wax ka so gareen rabshadahaasi. Ma cadda waxa sababay shaqaaqadan balse wararka qaar ayaa sheegaya inay ka dhalatay khilaaf gu’aaddan doorashada guddoonnka Golaha magaaldaasi.

Eyl waxay ka mid ahayd seddax degmo oo Puntland ah oo lagu qabtay doorasho qof iyo cod ah sanadkii la soo dhaafay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here