Maleeshiyaad hubeysan oo weerar ka geystay magaalada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad u abaabulan hab beeleed ay weerar culis ku qaadeen hoteel ku yaalla magaalada Baraawe oo ay ka socotay doorashada golaha deegaanka ee degmadaasi.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada 1 qof oo ka mid ahaa kooxdii weerarka soo qaaday, waxaana jira dhaawacyo kale oo ka dhashay israsaaseynta u dhexeysay maleeshiyaadkaas & ilaalada hoteelka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in weerarkan uu sababay khilaaf ka dhashay sida loo wajahayo doorashada golaha deegaanka ee Baraawe oo beryahaan soo taagnaa.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana goobta uu dagaalku ka dhacay tegay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howl-galka magaalada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here