Maleeshiyaadka Canfarta oo xasuuq u geystay shacab Soomaali ah

0
A member of the Afar Special Forces stands in front of the debris of a house on the outskirts of the village of Bisober, Tigray Region, Ethiopia, on Dec. 9. Several houses in the village were damaged during confrontations between the Tigray Forces and Ethiopian Defense Forces. EDUARDO SOTERAS/AFP via Getty Images

JIGJIGA (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Siti ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay ay maleeshiyaad ka tirsan Qowmiyadda Canfarta ay ka geysteen weerar qorsheysan oo lagu laayey shacab Soomaali ah oo degganaa galbeedka gobolkaasi.

Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Qowmiyadda Cafarta oo gudaha u galay deegaannada ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ayaa xasuuq ba’an ka geystay halkaasi.

Kooxda weerarka fulisay ayaa beegsatay magaalada Cundhufo, waxaana la soo wariyey in ay halkaas ku dileen ugu yaraan illaa 20 Soomaali ah oo rag u badan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka la dilay ay ku jiraan haween iyo dad isku qoys ahaa oo ku dhintay weerarkaasi, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Waxaa sidoo kale la soo wariyey in dadka qaar loo dilay si arxan darro ah, isla-markaana la gowracay, taas oo murugo iyo xanuun ku reebtay ehelladooda dadkooda la dilay.

Xaaladda Magaalada Cundhufo ee gobolka Siti ayaa weli kacsan, waxaana haatan qaybo ka mid ah ku sugan maleeshiyaadka Cafarta ee xasuuqa ka geystay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here