Dadka Laascaanood maskaxdooda ha ka saaraan dhalanteedka (Maqaal)

0

LAASCAANOOD – Somaliland siyaasadeedu waa mid togan oo cabireysa xaqiiqda dhabta ah ee maamulkeeda ka dhex jirta, inkasto ay ku badan tahay qiiro xambaarsan ciilqab iyo carro iswadata oo kicisa uurkutaalo ay horay u qabeen iyo dareen huwan caadifad keli daaqnimo oo ay rajooyinka dhalanteedkooda si mitidnimo ah ay kheyrkooda si mala-awaala ay ugu haminayaan helitaankooda.

Puntland siyaasadeedu waa mid si taban u dadban oo ku daaban maldahnaan ku saleysan xeelado ku dhisan dhagar-maleegid, taas oo caan ku ah in waxa ay sheegeyso mooye ay ku hoos qarineyso waxyaabo kale oo aan muuqan, waxeyna dibindaabyadeeda ku fulsaa wax kasta oo u suurtogelinaysa iney ku gaarto yoolkeeda, balse haddii ay weyso in loo yeelo sida ay rabto ayaa waxey kicisaa xasarado horseeda fidno ay ku horjoogsaneyso wax walba ooaysan rabin.

Siyaasadda ka jirta Laascaanood waa mid dhibaatadeedu duugowdey oo salka ku haysa u dabargo’ida naftooda ay xisaab la’aan si raqiisa ugu hurayaan qadiyado ku dhisan saldanad dowladnimo qabiileed oo ay iyagu ilaalo ka yihiin difaaceeda iyo wax weyn ku lahaanshaheeda, waxaana tiradooda aad u gaasiray dagaal beeleedyo loo adeegsadey oo aysan dulucda fikirkooda waxba ku lahayn.

Dadka Laascaanood waxaa horay u soo baabi’iyey dagaalo badan oo uu geliyey wadaadkii MAH (AUN) oo ay xukunkiisa qabyaalad ku taageereyn, waxaana dagaaladiisii umuladoxa ahaa ee uu Soomaalida ku laynayey ka soo gaarey in jiilalkii u soo kacay ay ku dhamaadaan dagaal beeleedyo sokeeye, iyagoo weliba xukunkii qabyaaladeysnaa oo ay gaboodfalka ku galeen uusan noqon mid miro dhala.

Laascaano waxey noqotay magaaladii lagu abaabuley shirqoolka lagu diley madaxweynihii Soomaaliya Sharmarke (AUN), waxaana ku dhacday inkaar cuqubo ku reebtay oo ay inta badan Soomaalidu u arkaan degaan xasarado iyo dhibaato badan oo caqli waaliya uu ka jiro, waxaana sumcad xumadaas deegaankooda u keenay siyaasad maa’amaraadkeeda laga soo diyaariyey Puntland oo degaankooda loogu adeegsadey daadinta dhiig xaqdaro ah.

Dadka ka soo jeeda Laascaanood waxey si waaliya mar kale qabyaalad ahaan ay ugu garab istaageen xukunkii kelitaliska ahaa ee MSB (AUN), kaas oo xasuuq iyo dhibaatayn aan cidna loo turin u geystey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaanadii ay ka soo jeedeen oo ay xidid iyo xigaalo wadaag la ahayeen, iyagoo weliba aan marna garawsan waxey u dagaalamayeen iney xadgudub ku ahayd guud ahaan xuquuqda dadka iyo gaar ahaan Soomaalinimada iyo Islaanimada.

Taariikhdaas sidaas silsiladeedu u tixan tahay waxey cadeyn u tahay inaysan Laascaanood aysan marnaba helin waxgarad waaqiciya oo wanaaga maslaxadooda talowadaag ku ah, taas oo dhaxal siisay in deegaankoodu noqdo meel shido badan oo dadkeedu u kala yaacaan maamulo kala duwan oo cadow isku wada ah, waxeyna taas ay dadkeeda ku reebtay mahadho ah inaan maamulna laga jecleyn, balse loo arko iney caqabad halisa ku yihiin jiritaanka dowladahooda

Puntland awood ciidan waxba ugama qaadi karto Somaliland oo dadkeedu ay qabaan ciilqab badan oo dhinacyo badan uga yimid, waxaase fursad ahaan Puntland u hartay oo keliya marka ay xaaladu ku xumaato iney adeegsato xeeladaheedii dhagareed oo ay ku maleegto dagaal iyo degenaasho la’aan ay ku abuurto Somaliland iyo in dadka Laascaanood ay ka jarto xiriirka xigto iyo xididnimo ee kala dhexeysa dadka kale ee Somaliland, waxeyna sidaas u sameynaysaa iney dadkaas oo qaxootiya ay gun ahaan ugu soo noqdaan Bariga.

Somaliland waxaa hadda cagaha loo geliyey raran ay kaga mashquulaan qorsheynta horumarkooda iyo dhismaha dowlad wanaagooda, waxeyna tabtaas u muuqataa iney tahay xeelad marar badan ku soo noqnoqon doonta, taas oo looga dan leeyahay in lagu daciifiyo xiriirka midnimo ee ka dhex jira shacabka Somaliland oo nabad iyo dimoqaraadiyad ku hormariyey guud ahaan shacabkeeda.

Waxaa la gudboon Somaliland iney joojiso eedaha ay u soo jeedineyso Puntland iyo dowladda Soomaaliya, waxaana haboon iney qaadato dhaliisha oo ay iyada keliya iska leedahay, waxeyna tahay iney si dhaba uga hawlgasho xal u helidda dhibaatooyinka ka dhex jirta maamulkeeda oo u baahan siyaasad dabacsan oo shacabka rayidka ah la isgu hayo wada jirkooda.

Puntland waxaa ku haboon iney ka tanaasusho sadbursiga ay ku dooneyso damca ku dhisan siyaasadaheeda dhulbalaarisiga ah oo ay ku dooneyso dadka ay heyb-wadaagta yihiin iney ku xalaaleysato dhulkooda si ay u hooskeento maamulkeeda, iyadoo aysan u ogoleyn dadkaas awoodqeybsi dheelitiran, balse ay dadkaas ugu adeegsaneyso ku kicin qabyaaladeed oo ay Meesha uga saareyso nabad ku wada noolaashaha kala dhexeeysa dadka kale oo ay dal wadaagta yihiin.

Dadka Laascanood maskaxdooda ha ka saaraan dhalanteedka ay dhiiranaanta ugu dhimanayaan dareenka qiireysan ee qabyaaladda ku saleysan, beenhawaasnimada Puntland ay beenhawaasnimada tolnimada ugu beerlaxawsaneyso, iyo calanka buluuga oo ay qiilkooda qabyaaladeysan ay sida qaldan caadifadda Soomaali jeceylka ay ugu adeegsanayaan, maxaa yeelay calanka ay gabaadka ka dhiganayaan oo ay huganayaan waxaa lagu geystey dhibaatooyin fara badan intii ay Laascanood qeybta weyn ka ahaayeen dowladdii kelitaliska milateriga ahayd.

Laascaano wanaaga maslaxadeedu waxey ku jirtaa iney danwadaag la ahaadaan maamulka Somaliland oo ay degaanadeeda ay beri hore u soo qaxeen dadkeedu, iyagoo ka soo tegey oo u adkeysan waayey ku dhex noolaashaha degaanada Puntland, sidaas si la midana ay gartaan in Xamar aysan hiil u geli karin oo aysan deris oodwadaaga la ahayn, waana dhalanteed wixii ay Xamar ka dhowrtaan.

Dowladda HSM waxey mudnaanteedu tahay iney ka fogaato qeylo dhaanta salka ku haysa dareenka qiireysan oo qabyaaladda hoosta ku wadata, iyo inaysan siyaasadeedu dhana u dheelin si aysan sabab ugu noqon dagaal beeleedyo sokeeye oo ka dhex dhaca dadka wada degan waqooyiga iyo Bariga Soomaaliya oo labada maamul iyo dadka ku dhex nool aysan aqoonsaneyn awooda dowlada dhexe.

Nolol barwaaqo leh ayaan u rajeyneynaa sanadka cusub dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku wada nool maamuladda Somaliland iyo Puntland, waxaana rajeynayaa in maamul walba uu horumarintiisa u gaarka ah uu ku mashquulo, nabadana si derisnimo wanaaga looga wada shaqeeyo si Islaanimo iyo Soomalinimo leh.

W/Q: Dr. Saciid Ciise Maxamud, Musharax Madaxweyne 2022

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here