Maraakiib dagaal oo dhoolatus wadajir ah ka sameeyay xeebaha Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Badda ee qaar kamid ah dalalka reer galbeedka, oo kamid yahay Faransiiska ayaa yaa dhoolatus wadajir ah ka sameeyay xeebaha dalka Soomaaliya.

Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Faransiiska, dhoolatusku waxa uu socday illaa 9-kii January, waxaana ka qeyb qaatay maraakiib dagaal iyo diyaarado kala duwan.

Dhoolatuskan ayaa laga sameeyay aagga hawlgallada ka dhanka ah budhcad-badeedda – afar markab oo Faransiis ah iyo markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Maraykanka ayaa lagu dhex arkayay intii uu socday howgalka.

Saraakiisha militeriga Faransiiska ayaa sheegay in Dhoolatuska uu ujeedkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidamada badda ee Faransiiska iyo Maraykanka, waxaana la xaqiijiyay in maraakiibta ganacsiga laga difaaco weerarada dhanka cirka ah.

Lama oga inay dowladda Soomaaliya ka warqabto dhoolatuska Ciidamada ajnabiga ay ka sameeyeen xeebaha dalka Soomaaliya oo mudo dheer ay ahaayeen kuwa furan oo laga sameynayay kalluumaysi sharci darro ah iyo falal afduub loo geysanayay maraakiib ganacsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here