Kenya oo loo soo dirayo ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamo gaar ah oo Mareykan ah loo dirayo dalka Kenya, si ay gacan uga geystaan ​​dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Biden oo warqad u qoray Koongaraska Mareykanka ayaa ku sheegay in ciidamo gaar ah loo diro Kenya, kuwaasoo la filayo in ay ka caawiyaan milatariga Kenya la dagaalanka Al-Shabaab.

Lama shaacin tirada ciidamada Mareykanka uu u soo dirayo dowladda Kenya ee uu amray madaxweynaha dalkaasi Joe Biden.

Al-Shabaab ayaa dagaal xoogan kula jirta Kenya, waxaana muddooyinkii dambe ay sare u qaaday weerarada ay la beegsato saldhigyada ciidan ee ku yaalla gobolka woqooyi bari ee dalkaasi,

Si kastaba Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dagaalka adag kula jira Al-Shabaab, waxaana sidoo kale dowladda Soomaaliya uu ka caawiyaa tababarka ciidamada Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here