Mareykanka iyo Midowga Yurub oo soo dhaweeyey go’aanka BF Sooomaaliya

0

Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey go’aanka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku meel mariyeen in dib loogu laabto heshiiskii 17 September, si dalka uu u galo doorasho.

Bayaan ay soo saaraan Mareykanka iyo Midowga Yurub ayay ku taageereen go’aanka Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa ay soo dhaweeyeen go’aanka Madaxweynaha dalka uu hirgelinta iyo Amniga doorashooyinka ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay soo dhaweynayaan go’aanka Xildhibaannada Golaha shacabka ay Maanta ku ansixiyeen in dib loogu laabto heshiiskii 17- September

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here