Mareykanka oo 10 milyan oo dollar dul-dhigay hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab

0

WASHINGTON (SMN) – Wasaaradda Cadaaladda ee dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday 10 million oo dollar oo la dul-dhigay madaxa hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Lacagta ayaa loo balan qaadey cidii soo sheegta xog horseedi karta in lasoo qabto Macallin Ayman oo la sheegay inuu dejiyay qorshaha weerar lagu qaadey 5-tii January 2020 saldhigda Mareykanka ee Manda Bay, kaasoo ku yaalla gobolka lamu.

Weerarka oo ay fuliyeen Al-Shabaab, gaar ahaan dagaalyahanada Jaysh Ayman,  oo ah garab uga dagaalama Kenya ayaa lagu beegsaday saldhiga Mareykanka.

Hal Askari iyo labo qandaraasleyaal ah ayaa lagu dilay qaar kalena way ku dhaawacmeen weerarka, oo ahaa midkii ugu ballaaran oo lagu qaado saldhigga Mareykanka ee Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here