Mareykanka oo $10 milyan dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab

0

WASHINGTON (SMN) – Waaxda abaalmarinta dhinaca cadaaladda ee dowladda Mareykanka ayaa maanta shaacisay magacyada saddex ka tirsan hoggaanka ugu sarreeya Al-Shabaab oo ay madaxadooda dul dhigtay abaalmarin lacageed oo dhan $10 milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Lacagta abaalmarinta ah ayaa lasiin doonaa qof walba oo keena macluumaadka horseedi kara in la ogaado halka ay raggaas ku sugan yihiin.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee waaxdan, oo sidoo kale lagu faafiyay Twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu yiri sidan:-

“Ilaa $10M ayaa lagu bixinayaa xogta ku saabsan argagixisada kala ah Mahad Karate, Axmed Diiriye iyo Jehad Mostafa, kuwaas oo ku lug lahaa weeraro badan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale. Ma garaneysaa halka ay isku qarinayaan? NOO SOO DIR FAR FIIQ!

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in qofka lasoo wadaaga macluumaadka shakhsiyaadkan uu heli karo lacagtaas 10-ka milyan ee doolar ah iyo in sidoo kale laga kaxeeyo meesha uu joogo qofka xogta keenay oo dib u dejin loo sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here