Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyey gobolka Hiiraan + khasaaraha

0

BELEDWEYNE (SMN) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in laBo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen duqeyn ay 23-kii Bishan ka fuliyeen nawaaxiga degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, 218KM waqooyiga galbeed uga beegan Muqdisho.

AFRICOM ayaa qoraal ay Maanta soo saartay ku sheegtay in duqeynta ay fuliyeen kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadey ciidamada dowadda Soomaaliya ee howlgalka ka wada gobolka.

War-saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey duqeynta Mareykanka, taasoo kusoo beegmaysa xili maalintii shalay dowladda Soomaaliya sheegtay inay in ka badan 100 xubnoo uga dishay Al-Shabaab howlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Mareykanka ayaa qeyb ka ah howlgallada ka socda dalka, iyadoo Joe Biden bishii May bixiyay amar lagu soo celiyay ciidankii uu Trump ka saarey Soomaaliya sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here