Mareykanka oo duqeyn diyaaradeed ka fuliyay Shabeelaha Dhexe + khasaaraha

0

CADALE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka Jimcihii ka fuliyeen duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

AFRICOM oo ka warbixisay duqeyntan ayaa shaaca ka qaaday in lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Sida lagu sheegay  warbixinta AFRICOM waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo kamid ahaa koox weerar soo qaaday.

Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale xusay in uusan jirin wax khasaare oo dadka shacabka ah ka soo gaaray duqeyntaasi diyaaradeed ee ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qayb-qaadanayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo inta badan gobollada dalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here