Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Gobolka Sh.Dhexe

0

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in khasaaraha ka dhashay labo weerar oo dhanka cirka ahaa oo diyaaradaha drones-ka ay ka fuliyeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Bayaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, ayaa lagu xusay in labo weerar oo duqeyn ahaa lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Sida lagu sheegay bayaankan, weerarka 1-aad ayaa ka dhacay nawaaxiga Degmada Aadan Yabaal oo qiyaas ahaan 175km dhanka waqooyi barri uga beegan Magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay ugu yaraan 7 ka mid ahaa Al Shabaab.

Weerarka labaad lagu dilay ugu yaraan 8 ruux oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa isna ka dhacay Degaan duleed ka ah Degmada Aadan Yabaal oo qiyaas 220 km dhanka waqooyi barri uga beegan Magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa waxuu sheegay in ay ka go’an tahay taageerida Dowladda Federaalka Soomaaliya, si looga adkaado Kooxda Al Shabaab.

Gobolka Sh.Dhexe ayaa waxaa ka socda howlgallo xooggan oo ujeedkoodu yahay sidii gacanta Dowladda loogu soo celin la haa degaano halkaasi ay kaga sugan yihiin Kooxda Al Shabaab.

Warka Mareykanka ayaa imaanaya maalin kadib markii Dowladda Soomaaliya ay shaacisay in hogaamiye ka tirsanaa Kooxda Al Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Degaan lagu magacaabo Guulane oo ka tirsan Gobolka Sh.Dhexe.

Ilaa hadda majirto wax war ah oo ka soo baxay Kooxda Al Shabaab oo ku aadan in 15 xubnood oo ka tirsanaa Kooxdooda lagu dilay duqeymo ka dhacay Degmada Aaadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here