Mareykanka oo hanjabaad culus kasoo saaray dib u dhaca doorashooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in haddii doorashooyinka dalka ay dib u dhacaan wixii ka dambeeya 25 Febraayo ay qaadi doonaan talaabooyin dheeraad ah.

Afhayeenka Waaxda Arimaha dibadda Mareykankam Ned price ayaa sheegay in xayiraado dhanka Visaha ay kusoo roggi doonaan Soomaaliya, haddii doorashadda aqalka hoose aan waqtigaas lagu dhameystirin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xittaa ay dhici karto cunaqabateyn dalka la saaro si looggu jawaabbo dib u dhaca doorashadda.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah, taas oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashooyinka dalka oo muddo hal sano ah dib u dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here