MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashandhigga JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen Ciidanka Danab.
Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda wareejinta hubkaas iyo agab ciidan iyo gadiidka kuwareejiyay wasiirka asagoo sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaallankaย Al-Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ayna fariin u tahay dalalka kale sida soomaaliya loogu aamini karo wax walba.
Wasaaradda Gaashandhigga JFS ayaa muddooyinkii dambe xoojijeysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo kooxda hadda laga xorreeyay deeganno badan oo ku yaalla dalka.
Sidoo kale waxa ay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-ย