Mareykanka oo lacag dhul-dhigay sarkaal ka tirsan Al Shabaab

0

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in lacag ay ku bixineyso ciddii keenta xog lagu soo xirro sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo lala xiriirnayo weerarkii bishii Janaayo 2019 lagu qaaday dhismaha DusitD2 ee ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar, ayaa Safiirka Maraykanka ee Kenya Meg Whitman ayaa ku dhawaaqay in lagu bixin doono soo qabashada tuhmane lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Aadan, oo loo yaqaan Maxamuud Cabdiraxmaan.

Danjirha oo uu dhinac taagnaa Agaasimaha waaxda dambi-baarista ee Kenya, Maxamed Amiin, ayaa sheegay in Mareykanka uu aaminsan yahay in Maxamuud Cabdiraxmaan uu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hoteelka DusitD2 .

Wuxuu sheegay in Maraykanku uu abaal-marin dul dhigay Maxamuud iyo qof kasta oo ka qeyb qaatay weerarkaasi.

Ugu yaraan 21 qof oo uu ku jiro hal qof oo Mareykan ah ayaa lagu dilay weerarka oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Danjire Whitman ayaa xusay in Al-shabaab ay mas’uul ka yihiin weerarro oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah, kuwaasi oo ay ku dhinteen kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ahaa.

Dhowaan ayay aheyd markii Dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday in 10 milyan oo dollar ay ku bixin doonto soo qabashada Macallin Ayman oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay fulinta weerarkii bishii Janaayo 5, 2020 lagu qadaay shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee saldhigga Manda Bay Airfield ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here