Mareykanka oo shaaciyay tirada duqeymaha uu 2022-kii ka fuliyay Soomaaliya

0

WASHINGTON (SMN) – Warbixin ka soo baxday taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa lagu faahfaahiyay duqeymaha ay sanadkii hore ee 2022-kii ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday inay ku guuleysatay fulinta illaa 15 duqeymood oo dhammaantood lala bartilmaameedsaday Al-Shabaab.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaasi uu ku dilay illaa 100 ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna meesha ka saaray khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Warbixinta kasoo baxday taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in weeraradaas dhammaan lagu taageeray dowladda federaalka Soomaaliya oo haatan kordhisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha sida tooska ah uga qayb-qaato dagaalka Al-Shabaab ee ka socdo Soomaaliya, wuxuuna la beegsadaa weeraro dhanka cirka ah.