Mareykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Militariga Mareykanka ayaa Arbacadii shalay aheyd shaaciyey in saddex weerar oo dhanka cirka ah ay ka fuliyeen waqooyiga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaasi oo ay ku dileen afar ka mid ah dagaalyahannada ururka Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa war uu soo saaray ku sheegay in duqeymahaasi ay Talaadadii lasoo dhaafay ka dhaceen magaalada Beledweyne oo 350 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, kadib markii xoogaga ka tirsan Al-Shabaab ay soo weerareen ciidanka Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay in warbixinnada horudhaca ah ay muujinayaan in aysan jirin dad rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgalkan.

Bishii May, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay in dib loo soo celiyo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, si ay uga caawiyaan maamullada maxalliga ah inay la dagaalamaan Al-Shabaab, taasoo meesha ka saartay go’aankii madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Donald Trump ee ahaa in inta badan ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here