Mareykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku ku dilay xubno ka tirsanaa Shabaab

0

Beledweyne (SMN) – Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 27 ka mid ahaa Al Shabaab lagu dilay weerar dhanka cirka ahaa oo ka dhacay duleedka Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Bayaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [Africom] ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa mid lagu caawinayay Ciidanka Xooga dalka ee howlgallada ka wada Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Taliska Africom waxuu sheegay in duqeynta lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Qoraalka Africom ayaa lagu xusay in weerarka uusan wax khasaaro ka soo gaaray Shacabka ku dhaqan halka uu bartilmaameedku ahaa.

Bayaanka ayaa lagu qeexay in howlgalka ka socda Gobolka Hiiraan uu yahay midkii ugu xooganaa oo muddo shanno ah ka dhaca dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, militariga Mareykanka ayaa shaaciyay in ay sii wadi doonaan taageerida Ciidanka Xooga dalka si looga adkaado Kooxda Al Shabaab oo weli gacanta ku heysa qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here