Mareykanka oo wada qorshe uu ciidamo ugu soo dirayo gudaha Soomaaliya

0

Aqalka Pentagon ee gaashaandhigga Mareykanka ayaa wada qorshe ay ciidamo gaar ah oo tababarayaal ah ugu soo dirayaan Soomaaliya, si ay milatariga uga taageeraan la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald trump ayaa bishii January ee sannadkan gebi ahaanba ciidamadiisa oo gaarayey 700 askari kala baxay Soomaaliya.

Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka John Kirby ayaa diiday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo barnaamijka uu wado aqalka gaashaandhiga ee Pentagon-ka.

Qorshaha cusub ayaa sidoo kale waxa aan weli si toos ah ugu hadlin xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.

Si kastaba, maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa xadiday duqeymaha diyaaradaha Droneska ee laga fulin jiray dibadda markii uu xafiiska la wareegay 20 bishii January ee sannadkan 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here