Mareykanka oo war cusub kasoo saaray xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya

0
Somalia and United States flags together textile cloth, fabric texture

MUQDISHO (SMN) -Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa war xasaasi ah ka soo saartay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda Villa Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ku baaqay in xaaladda la qaboojiyo, isla-markaana laga fogaado wax kasta oo keeni karo rabashado horleh.

“Waxaan si adag ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya in ay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda Muqdisho, kana fogaadaan falalka kicinta ah oo keeni kara  rabshadahamm,” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee ay soo saartay safaaradda Mareykanka.

Baaqa kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan meel sare ay gaartay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ee ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here