Mareykanka oo war kasoo saaray kowda Luulyo iyo doorashooyinka Soomaaliya

0

War qoraal ah, oo ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Atony Blinken ayaa loogu hambaleeyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1da Luulyo ee 61 sano guuradii xoriyadda Soomaaliya iyo maalinta midnimada dalka.

“Anigoo ku hadlaya magaca Mareykanka, waxaa u hambaleeyaynayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya sanad guurada 61 aad ee xoriyaddooda. Waxaa ku faanaynaa inaan sii wadno taageerada dadaalkiina ku aadan dhismaha nabadda, xasiloonida iyo Soomaaliya oo barwaaqo ah,” ayuu yiri xoghaye Blinken.

Munaasabaddan awgeed, waxaa madaxda Soomaalida ku boorinaynaa in ay sii wadaan wada shaqeynta ku aadan in la qabto doorasho loo dhan yahay oo si nabad ah ku dhacda, ayaa sidoo kale kamid ah aheyd qoraalka Mareykanka soo saaray.

Ugu dambeyn waxaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, in doorasho hufan ay ka dhacdo Soomaaliya waxay aas aas muhiim ah u tahay mustaqbal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed helaan.

Dowladda mareykanka waxay garab taagan tahay Soomaaliya iyadoo u dabaal degaysa maalinta xoriyadda iyo midnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here