Mareykanka oo xayiraad horleh ku soo rogay xubno ka tirsan Daacish

0

WASHINGTON (SMN) – Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horeysay ee ka dhanka ah Daacish-Soomaaliya, iyadoo cunaqabateyn ku soo rogtay 7 shaqsi iyo hal hay’ad oo xiriir la leh argagixisada.

Dadka la magacaabay waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo loo aqoonsaday inuu yahay kan ugu firfircoon ee hubka sharci-darrada ah u soo dejinaya xeebaha Puntland.

Sidoo kale, waxaa la beegsaday Ciise Maxamuud Yuusuf, oo wasaaradda sheegtay inuu Daacish-Somalia u qaabilsanaa dhanka Hubka iyo Saadka ee Bari ee Puntland iyo Mukhalasiin Hubka soo tahriibiya; Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ay ku sheegtay inuu yahay Amiirka Daacish-Soomaaliya; iyo Maxamed Axmed Qahiye, oo dowladda Mareykanka ku sheegtay inuu yahay madaxa Amniyaadka, garabka sirdoonka Daacish-Soomaaliya iyo kuwo kale.

Cunaqabataynta ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii weerar khasaara badan dhaliyay uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo ay dhinteen in ka badan 100 qof, sidoo kalena in ka badan 300 ay ku dhaawacmeen.

Bishii lasoo dhaafay, dowladda Mareykanka ayaa sidan oo kale xayiraado kusoo rogtay xubno katirsan Al-Shabaab oo dhanka hubka iyo maaliyadda qaabilsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here