Markabka NEVA oo 25,000 tonnes Qamadi ah sida oo soo gaarey Soomaaliya

0

KIYV – Markabka NEVA oo 25,000 tonnes oo qamadi ah soo gaarsiiyay Soomaaliya, kaasoo WFP ugu tala-gashay dadka ay saameysay abaarta ka jirta dalka.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in shixnada qamadiga ah uu qeyb ka yahay balan-qaadkii Madaxweyne Zelensky ee ahaa in qamadiga dalkiisa lagu taageeri doono dadka gaajada geeska Afrika ugu dhimanaya.

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Ukraine Oleksandr Kubrakov ayaa xusay in qamadi kale oo kusoo wajahan yahay Soomaaliya iyo dalalka kale ee Geeska Africa, oo 20 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin inay macluul ku dhufato.

Dhow bilood kahor, Qamadiga Ukraine ayaa soo gaarey Jabuuti, oo looga sii gudbiyay Itoobiya, waxaana shixnadahan u raran yihiin WFP oo qorsheynaysa inay ku yareyso cunto-yarida iyo macluusha gobolka.

Dagaalka Ukraine ayaa saameyn ku yeeshay Africa, oo sicir barar laga daareemay maciishada, waxaana hadda Ruushka ogolaaday in qamadiga dalkaasi si nabad ah uga soo dhaafo kadib dhexdhexaadin Turkiga iyo QM ay sameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here