Marwada koowaad oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayey isbedalka Cimilada

0

ISTANBUL (SMN) – Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa shir qayb ka ah Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika la qaadatay Marwada Koowaad Ee Dalka Turkiga Marwo Emine Erdogan iyo Marwooyinka Koowaad ee Dalalka Afrika ee ka qayb galay Shirka.

Shirka Marwooyinka ayaa diiradda lagu saaray isbedelka cimilada aduunka, iyada oo laga wada hadlay qorsheyaasha ay Dalalka Afrika iyo Turkigu isaga kaashan karaan wax-ka-qabashada cimilada adduunka ee sii kululaanaysa, taas oo saamayn taban ku yeelatay guud ahaan bulshooyinka caalamka, si gaar ah haweenka iyo dhallaanka oo ah kuwo u nugul waxyeellada isbeddelka cilimada adduunka.

Marwada koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa Madasha ku soo bandhigtay saamaynta isbeddelka cilimada adduunku ay ku yeelatay Soomaaliya, iyada oo tilmaamtay in bulshada Soomaaliyeed ay waayo-aragnimo u leeyihiin dhibaatooyinka laga dhaxlay isbeddelka cimilada, taas oo sababtay abaaro, dabaylo iyo daadad waxyeello u gaysta hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed.

Shirka ay Marwooyinka Koowaad ee Dalalka Afrika iyo Marwada Koowaad ee Turkigu isla meel dhigeen sidii la isaga kaashan lahaa hirgelinta qorsheyaasha ku aaddan isbeddelka cimilada, caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee ka soo baxay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here