Marwada madaxweynaha oo kulan la qaadatay haweenka Soomaaliyeed

0

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa kulan fikir iswedaarsi la qaadatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee u ololeeya adkaynta dowladnimda iyo xuquuqda haweenka Soomaaliyeed; haweenkan oo ka mid ah haweenka xilalka kala duwan ka haya Dowladda Soomaaliya.

Dood-wadaag iyo lafo-gur la iskaga waraysanayay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha ka qaybgalka siyaasadda ee xaqa metelaadda haweenka, isla markaasna marwadu ku dhagaysatay arragtiyaha ay qabaan haweenkan oo ka mid ah hormuudka haweenka Soomaaliyeed, waxay Marwo Saynab Cabdi Macallin la wadaagtay dardaaran adag oo ku wajahan sidii loo sii dhiirigelin lahaa doorka ka qaybgalka siyaasadda iyo in la barbar taagnaado hubinta kootada Haweenka ku meteli doona doorashooyinka inagu soo socda.

Marwada ayaa adkaysay in Haweenka Soomaaliyeed door weyn ka soo qaateen halgankii gobanima doonka, dib u dhiska dowladnimada, adkeynta midnimada, dib u heshiisiinta horumarinta bulshada, kobcinta dhaqaalaha, dib u soo nooleynta wax-barashada iyo xoojinta kaalinta haweenka dhanka siyaasadda.

Marwo Saynab Cabdi Macallin, waxay uga mahadcelisay isla markaana dhiirigelisay doorka haweenku ka qaateen waddaniyadda, kartidooda isku haynta dalka iyo dadka, ka shaqeynta midnimada iyo dib u heshiisiinta, haweenku in ay ahaayeen tiirkii ugu weynaa ee samato-bixiyay dalka iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here