Dowladda Masar oo la sheegay inay askar ka qoronayso Soomaaliya

0

MUQDISHO [SMN] – Masar ayaa la sheegay inay kumannaan askari ka qoranaysa Soomaaliya, waxaana mashruucan maalgeliyay dowladda Imaaraadka Carabta, xilli uu cirka isku sii shareerayo loolanka dhanka wabiga Nile ee kala dhaxeeya Itoobiya.

 

Wargeyska East African Business Week oo kasoo baxa Uganda ayaa sheegay in Saraakiisha sirdoonka Masar iyo Imaaraadka ay todobaadyadii lasoo dhaafay ku soo qul qulayay magaalada Muqdisho, iyagoo ujeedkoodu ahaa inay qortaan kumannaan askar Soomaali ah, kuwaasoo loo gudbin doono dalka Masar si ay tababar ciidan ugu soo qaataan.

Dufcaddii ugu horreysay oo gaareysa 1,200 ayaa u safray Masar usbuucii hore, sida lagu sheegay warbixinta wargeyska EABW.

Saraakiisha Masar iyo Imaaraatka ayaa yoolkood ah inay qoraan 8,000 oo askari toddobaadyo gudahood. Lama oga waxa ay ka damabacsan tahay Masar askarta Soomaalida, mana jiraan warar kasoo baxay dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo ku aadan warbixintan.

Mudooyinkii dambe waxaa soo ifbaxayay loolan u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya oo saameyn ku yeelanayo sida muuqata siyaasadda Soomaaliya, oo mudo faragelin ku hayeen dalal shisheeye, oo kuwa Carabta ugu horeeyaan.

Masar ayaa muddo dheer raadineysay inay saameyn iyo joogitaan ku yeelato Soomaaliya, si ay ugu soo biirto dalalkii ka horeeyay ee Carabta, sida Qatar iyo Imaaraadka, oo mudo isku hayay gacan sareynta arrimaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here