Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaxda oo ka badbaaday isku day dil

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari uu watay xoghayaha maamulka degmadaas, Ibraahim Muxudiin Macow.

Wararka ayaa sheegaya in xoghayaha uu ka bad-baaday qaraxa, balse uu burbur soo gaaray gaariga uu watay.

Sidoo kale ma jiro wax khasaare nafeed ah oo uu geystay qaraxaan, waxaana goobta gaaray ciidamo tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacayey weeraro kala duwan, waxaana ugu dambeeyey midkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here