Mas’uul ka tirsanaa maamulka Dayniile oo xalay lagu dilay gudaha degmadaasi

0

MUQDISHO (SMN) – Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa xalay gudaha Dayniile ku dilay Cumar Khaliif Xasan oo ahaa Madaxii Samafalka Barakacayaasha ee degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey marxuumka uu ka soo laabtay booqasho uu ku tegay mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ragga dilka geystay oo lagu sheegay inay gaarayeen illaa saddex nin ayaa horey usii watay gaari uu lahaa mas’uulka la dilay, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, balse kama hadlin dhacdadaasi.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay marxuum Cumar Khaliif Xasan oo ahaa Madaxii Samafalka Barakacayaasha ee Dayniile.

Si kastaba, dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka liddiga ku ah nabad-gelyada ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here