Mas’uul ka tirsanaa Puntland oo xalay lagu dilay gobolka Bari

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay deegaanka Balli-Dhidin lagu dilay guddoomiyihii deegaanaasi, kadib markii ay gudaha u galeen rag ka tirsan Daacish.

Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Muumin, waxaana la sheegay in weerarka kadib uu iska hor imaad kooban ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyey ilaalada guddoomiyaha iyo ragga ka tirsan kooxda Daacish ee weerara fuliyey.

Sidoo kale qoraal uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa looga hadlay dilka mas’uulkaasi, waxaana tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale Marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa, samir iimaana uu ka siiyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Aniga oo ku hadlaaya magaciisa, kan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda, iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyaha  Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatu Fardawsa, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumka,” ayuu yiri.

Inta badan deegaanada Puntland waxaa weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here