Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo la kulmay ku xigeenka duqa Istanpul

0

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Faarax Cabdi Diini iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir Xiireey Axmed Rooble ayaa magaalada Istanpul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay ku-xigeenka duqa magaalada Istanpul Mr. Mahir Polat.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay sidii loo xoojinlahaa iskaashiga ka dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Istanpul islamarkaana dib loo cusbooneysiin lahaa mashaariicda dhismaha la xariira oo ay dowlada dalka Turkiga ka fulin jirtay Caasimadda Jamhuuriyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa ugu mahadceliyay dowlada dalka Turkiga iyo shacabkeeda sida hagar la’aanta ah oo ay u garab istaageen umada Soomaaliyeed islamarkaana door muhiim ah ka qaatay horumarinta bilicda Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here