Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo kormeer sameeyay + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xog’hayaha guud ee Gobolka Feysal Carraale Afrax ayaa kormeeray qaar kamid Wadooyinka Magaalada Muqdisho si ay ugu kuur galaan Arrimaha la xariira Nadaafada iyo Amniga Caasimadda.

Kormeerkan ay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir sameeyeen arroornimadii hore ee Saakay ayaa ahaa mid isugu jiray islaxisaabtan iyo u kuurgalida xaalada Magaalada.

Agaasimaha Guud ee Nadaafada Iyo Bilic Soo celinta ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay xoojin doonto howlaha kor loogu qaadayo Bilicda Magaalada.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xog’hayaha guud ee Gobolka Feysal Carraale Afrax ayaa si wadajir ah ula dardaarmay bulshada Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here