Maxaa ka jira in guddoonka BF uu fasaxay kursiga HOP#086 ee Fahad Yaasiin?

0

MUQDISHO (SMN) – qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa looga hadlay warar la baahiyay oo ku aadan kursiga tirsigiisu yahay HOP#086 ee deegaan doorashadiisu tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa beeniyay in kursigaas loo ansixiyay Fahad Yaasiin, kadib markii lagu sheegay warqad lagu faafiyay baraha bulshada ee Internetka.

Sidoo kale guddoonka ayaa shaaca ka qaaday in baaris ay ku hayaan ciddii baahisay warqaddaasi, si looga qaado tallaabo adag.

Halkan hoose ka aqriso:- 

BEENIN

Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si cad u beeninayaa Warqad been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah.

Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid calaa cidii Ka dambeysay falkaan, waxaana lala tiigsan doono sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here