Maxaa ka jira in muhaajiriin Soomaali ahaa ay ku dhinteen Zambia?

0

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa meydadka dad ku dhow 30 muhaajiriin ahaa laga helay xaafad ku taalla duleedka magaalada Lusaka ee caaismadda dalka Zambia.

 

Warar markii hore ay baahiyeen warbaahinta Dalka Zambia ayaa lagu sheegay in muhaajiriinta geeriyootay ay ka soo jeedeen dalka Soomaaliya.

Balse, masโ€™uuiyiinta jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambiya ay sheegay in aysan Soomaali ku jirin muhaajiriintii ku geeriyootay dalka Zambia.

Maxamuud Maxamed (Hiiraan) oo ah guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia ayaa beeniyay wararka sheegaya in Soomaali ay ku jiraan meydadka laga helay uleedka magaalada Lusaka.

Guddoomiye Maxamuud Maxamed oo booqday isbitaal la geeyay meydadkaasi ayaa xaqiijiyay in dhamaan dadkii geeriyooday ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda dalka Itoobiya.

Ugu dambeyn, Gudoomiyaha ayaa sheegay in muhaajiriinta lagu soo raray konteenar, islamarkaana uu naqaska ku xirmay, taasi oo keentay sida uu sheegay in ay u geeriyoodaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here