Maxaa ka jira in MW Xasan & dhiggiisa Masar ay ka wadahadleen arrinta Nile?

0

QAAHIRA (SMN) – Waxaa sacadihii la soo dhaafay cirka isku shareeray wararka sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay la safatay Masar oo ay haatan is hayaan dowladda Itoobiya.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar oo BBC-da la hadlay ayaa meesha ka saaray wararka ku saabsan in Soomaaliya ay aaday dhinaca Masar.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray labada madaxweyne kaliya ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Masar.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Masar ay shaacisay in wadahadallada ay la yeelatay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya lagu soo hadal qaaday arinta wabiga Nile.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here