Maxaa ka jira in xalay qarax uu ka dhacay caasimadda Somaliland?

0

HARGEYSA (SMN) – Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa beeniyey wararka sheegaya in xalay qarax uu ka dhacay bartamaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in qarax uusan ka dhicin Hargeysa, islamarkaana jugta la maqlay ay aheyd taayar ku qarxay agagaarka Dahabshiil.

Halkan hoose ka aqriso:-

Taliska Guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland.

Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar Agteeda Banjarle Ama Goomayste Ku Yaala oo banjarinaya Tayir ay Wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qarax yar dhaceen, kaas oon ahay wax dibdakaga yimi waxaana dhawac fudud  soo gaadhay Banharlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeisa.

Hadaba Ciidamada boolisku waxa Ay Baadhitaan Ku Hayaan Wixii Sababay Dhacdadii Goobtaasi ka dhacday.

Taliska Guud ee ciidamada boolisku waxa uu digniin u dirayaa cidkasta oo ku hawlana Fidinta wararka Boro Bogaada ah gaar ahaan kuwa beenta Qoraya Iyo kuwa ka qaadanayaba.

XAFIISKA WARBAAHINTA

CIIDANKA BOOLISKA JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here