Maxaa ka jira in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaareen kiiska badda?

0

Saacado uun kadib markii si weyn baraha bulshada loogu faafiyay warar sheegaya in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in ay qeybsadaan kheyraadka ku jira badda Soomaaliya ay leedahay ee Kenya ay muranka gelineyso ayaa xukuumadda Soomaaliya waxay beenisay wararkaasi.

Waregyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa daabacay warbixin uu ku sheegay in dowladda Qatar ay garwadeen ka tahay heshiiskaasi,isla markaana uu daba socdo dhex dhexaadintii Doha ee Nairobi iyo Muqdisho ay xiriirkooda diplomaasiyadeed dib ugu bilaabeen.

Sidoo kale The Star ayaa warbixintiisa ku xusay in maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ ay tahay in ay xirto kiiska waqtiga badan socday ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,maadaama labada dal ay ku heshiiyeen in ay qeybsadaan kheyraadka badda.

Sidaas darteedna aan loo baahneyn in dacwada badda oo lagu dhameeyo ICJ ay kala qeybin karto labada dal,taasina ay saameyn ku yeelan karto xasiloonida gobolka.

Si kastaba ha’ahaatee ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa xaqiijiyay in wararka sheegaya kheyraadka badda ee saliida iyo gaaska ay qeybsanayaan Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin kuw been abuur ah,sidaas darteeedna dowladda Soomaliya ay sugeyso xukunka cadaaladda ah ee ICJ.

Ma ahan markii ugu horeysya dowladda Soomaaliya ay beenineyso warar been abuur ah oo ku saabsna dacwadda badda ee ka furan Hague,balse federaalka ayaa wax badan ku cel celisay in aysan marnaba gorgortan ka gali doonin taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa  dhawaan dib u soo celiyay xiriirkooda diplomaasiyadeed,kadib wahadalo ay garwadeen ka aheyd dowladda Qatar,waloow ay wali hakad ku jiraan duulimaadyadii u kala gooshi jiray Muqdisho iyo Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here