Maxaa kasoo baxay kulanka Madaxweyne Guudlaawe iyo Korneyl Nuur Dheere?

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigaanka Hirshabeelle ayaa la kulmay Korneyl Nuur Dheere Xildhibaano iyo saraakiil kale.

Korneylka oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliiska Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha ka raali galiyay qadafkii ka dhacay waxaa uuna balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Madaxweynaha.

Dhanka kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa boggaadiyay imaanshaha uu u yimid waxa uuna aqbalay raali galinta.

“Madaxweynaha ayaa xaliyay dhamaan tabashooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la kulanka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo tabasho qabto,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Halkan hoose ka daawo sawirro:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here