Maxaa ka soo baxay kulankii Rooble & madax goboleedyada dalka?

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga  kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada aqalka sare.

Madaxda ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab ee Ciidammadu  ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here