Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada Jubbaland?

0

KISMAAYO (SMN) -Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo shir guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Jubbaland.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa warbixino kala duwan looga dhageestay Wasaaradaha kala duwan oo ay ugu horreyso Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, Wasaaradda Caafimaadka iyo xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan kaas oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee uu ku tagay Dalalka Eithopia iyo Seychelles.

Sidoo kale shirkaan ayaa waxaa maanta lagu ansixiyay xisaabiyaha guud ee Dowlad Gobaleedka  Jubbaland Mudane Cabdicasiis Maxamed Ilkacase,iyadoo loo ansixiyay qaab gacan taag ah

Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa 30-ka bishii ina soo dhaaftay ee Octobar magacaabay Xisaabiyaha guud ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here